War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xisbi ka mida xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka Norway ayaa ku baaqay in dhalashada dalkaasi lagala noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Xisbiga FRP oo kamid ah xisbiyada talo-wadaaga ee hadda ka taliya Norway ayaa soo jeediyey in dhalashada dalkaas lagala laabto Xasan Kheyre maadaama uu Soomaaliya ka noqday Ra’iisal wasaare.
Arrintan ayuu xisbigu caawa ka sii daayay Warbaahinta dalka Norway, waxaana ay tahay talo soo jeedin ka timid xisbigan oo ah mid awood ku leh xukuumadda.
Xasan Cali Kheyre ayaa dalak Norway tegay isagoo 21 sano jir ah, wuxuuna uga baxay jaamacad, isagoo heysta dhalashada dalkaasi. halka warar kale sheegayaan inuu dhalasho kale ka heysto UK.
Afhayeenka xisbiga FRP Mazyar keshvari ayaa sheegay inaan loo baahneyn Ra’iial wasaare dal kale inuu heysto laba dhalasho. Wuxuu intaas ku daray haddii qofku noqdo xildhibaan ama Ra’iisal wasaare inay tahay inuu hal dhalasho qaato, ayna dhibaato noqoneyso inuu laba dhalasho isku heysto.
Qaanuunka Norway ayaa diidaya in qofku yeesho laba dhalasho, laakiin xaaladda dadka Soomaalida ee Qaxootiga ah ayaa si gaara loo eegaa iyagoo la siiyo dhalasho sifo ay yihiin Norwegian.
Wadani.com