Wararka laga helayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Abu Dhabi ee dalkaasi, kadib weerar loo adeegsaday Diyaaradaha Drone-ka ee keligood is wada.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in uu qarax ku dhacay Booyad Shidaal iyo dab ka kacay Garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi, halka Xuuthiyiinta ay xaqiijiyeen in howlgal milateri ay ka bilaabeen Dalka Imaaraadka Carabta.
Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ayaa ku warantay in qarax lala beegsaday 3 booyadood oo siday shidaal oo marayay deegaanka Mussafah ee magaalada Abu Dhabi, waxayna tilmaantay in baaritaanada hordhaca ah ay muujinayaan in la helay walxo yar yar oo duulaya oo ku dhacay.
Sida ay wakaaladdu sheegtay, Booliiska Abu-Dhabi ayaa xaqiijiyey in Dabku saaka kacay, kaas oo sababay in 3 booyadood oo siday Shidaal ay ku qarxeen degaanka Musaffah oo u dhaw keydka Shirkadda ADNOC, waxaana la damiyey Dab fudud ka dhashay dhismaha cusub. Garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in “waxyaabo yaryar oo duulaya, oo laga yaabo inay leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, laga helay labada aag, kuwaas oo laga yaabo inay sababeen qaraxa iyo dabka.”
Wararkii uu danbeeyay ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen, 6 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyada ka dhashay weerarka lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, sida ay sheegtay wakaalada wararka Imaaraadka.
Afhayeenka Ciidamada Xuuthiyiinta Yaxye Sariic ayaa sheegay in saacado gudahood ay ku soo bandhigi doonaan faahfaahin ku saabsan howlgallada ciidamada Yeman ee Xuuthiyiinta ay ka fuliyeen dalka Imaaraadka.
