Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay weerar lagu qaaday Garoonka Abha ee Koonfurta Sacuudiga oo ay ka danbeysay kooxda Xuuthiyiinta.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa soo werisay in qof ku dhintay 21 kalena ay ku dhaawacmeen kadib qarax la sheegay inuu ka dhacay goobta baabuurta la dhigto ee Garoonka Abha, iyadoo la rumeysan yahay in qaraxa uu ka dhashay diyaarad Drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, taasoo lagu weerarray Garoonka Abha.
Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegtay inay diyaarado is-wada oo dhowr ah ay ku weerartay Sacuudiga, waxaana soo baxaya qasaaraha ka dhashay weerarka ugu danbeeyay ee kooxda Xuuthiyiinta Yeman ku qaaday dalka Sacuudiga.
Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yeman ayaa sheegay in weerarka argagixiso ee lagu qaaday garoonka Abha uu ku dhintay qof, isla markaana 21 kale ay ku dhaawacmeen iyadoo saacad kadib howlihii garoonka ay dib u bilowdeen.
Afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay weerarro is daba joog ah ku qaadeen garoomada Abha iyo Gizan. weerarkan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee Xuuthiyiinta Yeman ku qaadaan gudaha Sacuudiga.