Wararka laga helayo degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi gaaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan ayaa waxaa uu hordhac u yahay wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isna u duulay magaalada Baraawe, isla markaana iminka ka degay garoonka Baraawe, iyadoo la filayo in halkaasi ay kulamo kula qaataan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
Wararka laga helayo magaalada Baraawe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka bilaaban doonaan howlgallada lagu qaadayo Alshabaab ee Gobolka Sh/Hoose, waxaana halkaas gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan xoogga dalka.
Wadani