Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya: Xaalad amni mise dhul boob cusub..?
    Xog cusub

    Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya: Xaalad amni mise dhul boob cusub..?

    WebmasterBy WebmasterMarch 23, 2015No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kenya waxay ku dhawaaqday inay derbi weyn ay ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomaaliya si amaankeeda ay u ilaaliso ugana hortagto weeraro xuduudka uga soo gudba oo dhinaca Soomaaliya uga yimaada. Arrintan oo waqti yar ka hor ahayd mid hadal ku eg ayaa hadda noqotay xaqiiqo iyadoo ay bilaabatay howsha dhismaha Derbigaasi.

    Xaaladda nabadgelyo ee sii xumaatay iyo weeraro dad badan lagu dilay oo ay sheegatay Alshabaab ayaa ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto, waxaana warar is khilaafsan ka soo baxeen madaxda dalka Kenya oo ciidamadooda Soomaaliya jooga aanay waxba ka qaban ammaankooda oo ahayd sababtii ay Soomaaliya u soo faragelisay Kenya.

    [ad name=”HTML-2″]

    Kuma cusba dunida in derbiyo laga dhiso xuduud ka  dhaxeysa laba dal, waxaana jira sababo kala duwan oo derbiyadaas oo mashaariic  waaweyn ah loo sameeyo. Derbiga ay Israa’iil ka dhistay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ay ku boobtay ayaa aha midka xilligan ugu caansan derbiyada noocan oo kale ah, waxaase la soo qaadan karaa derbiga Mareykanka ka dhisay xuduudka uu la wadaago Mexico si looga hortago tahriibka dadka. Sacuudiga ayaa sidoo kale qorsheystay inuu derbi ku wareejiyo xuduudka uu la leeyahay dalka Ciraaq.

    Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomalaiya wuxuu uga duwan yahay dhammaan derbiyada aan soo sheegnay waxaa dhismahan uu soo baxay iyadoo Kenya iyo Soomaaliya ay dacwad ku saabsan xuduudka Badda dhex taallo, isla markaana ciidamada Kenya ay joogaan Koonfurta Soomaaliya.

    kenya-wall

    Su’aasha is weydiinta leh waxay tahay sida Kenya loogu aamini karo inay keligeed iska dhisato Derbigan iyadoo horeba ay u sheegatay qeyb ka mida xuduuda badda Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid hubineysa inaysan ku xadgudbeynin dhulka Soomaaliya, tiiyoo aanay jirin dowlad awood leh oo la xisaabtami karta dalalka deriska ah ee u ooman inay dalka beylahda ah kala dhantaalaan.

    [ad name=”HTML-4″]

    Dowladda Kenya waxay marar  badan meesha ka saartay dalabka xisbiga mucaaradka ee ah inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya, waxay kaloo ku guuldarreystay inay ciidamadeeda ka midka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wax la taaban karo ka qaadaan aagga ay joogaan ee Jubbooyinka. Weerarada Alshabaab iyo kooxaha la xiriira ku qaadan Kenya waxay u badan yihiin kooxo ku sugan gudaha Kenya, waxaana iska cad in Derbiga la dhisayo aanu wax weyn ku soo kordhin doonin nabadgelyada gudaha Kenya, dhaqaale fara badanna uga bixi doono, waxaase annaga noo darran inuusan dhulkeena markii horeba la qeybsaday ku xadgudbin taasoo dowladda Soomaaliya tabar kasta ha lahaatee looga fadhiyo inay hubiso arrintan xasaasiga ah.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya wuxuu caddeeyay inaysan dowladda Kenya soo ogeysiin waxna kala socon arrinta dhismaha derbiga ay Kenya dhiseyso xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuse sii carabaabay inay ka hadli doonaan marka dowladda Kenya ay kusoo wargeliso.

    Faallada Goobjooge.com

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    Derbiga xuduudka Kenya Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Sheegow Cali Axmed oo isagoo Maxbuus ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho

    April 7, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Safiirka Denmark ee Somaliya oo Cudurdaar ka bixiyay Hadal uu ka sheegay Hargeysa

    November 20, 2024

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo