Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»MAQAAMKA GAARKA AH EE MUQDISHO

    MAQAAMKA GAARKA AH EE MUQDISHO

    March 23, 2015Updated:March 23, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    walaayoCaasimada Jumhuuriyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maalmahaan waxaa xafiisyada sare ee dawladda laga hadal haya inay caasimada qayb ka noqoto maamul-goboleed ay kula jiraan qaar ka mid ah gobollada ku dhow sida Shabeelaha Dhexe ah.

    War maanta lagu daabacay barta GOOBJOOGE.COM ayaa daboolka ka qaaday. Ilaa hadda ma jiro war kale ee ka soo baxay dhinaca dawladda oo warkaas beeninaya ama qiraya. Haddii ay xukuumadu ka aamusto waxaa loo qaadan kara in warku xaqiiqo ahaan jiro.

    Muqdisho waa astaanta qarannimada guud ahaan ummadda Soomaalida mana ahin goof cid gaar ah leedahay. Waa magaalo ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed oo cid walba leh ay muddo ka badan qarni ku sammeysatay maalgashi balaayiin dollar gaaraya.

    Dhaqanka foosha xun ee waqtigan burburka dadka qaar ay ku ilbaxeen haddii loo raaco Muqdisho waxay tallabada noqoneysa qiyaano qaran oo ay dabada ka riixayaan cadaawaha ummadda Soomaaliyeed.

    [ad name=”HTML-1″]

    TAARIIKHDA MUQDISHO

    uqdisho oo ah magaalo qaadiim ah, waa caasimada Jumhuuriyadda Soomaaliya. Taariikh ahaan magaalada si cad looma oga faca ay jirto laakinse dadka taariikhda yaqaan waxay sheegaan inay ahaan jirtay magaalo xudun u ah ganacsiga oo badanaaba ka imaan jiray wadamada ay qoyso badweynta hindiya sida Carabta iyo Pershiyanka kuwaas muddo hore soo degay xeebaha gobolka Benaadir.

    Kalimada Banadir ama marmar loo qoro Benadir waxay asal ahaan ka soo jeeda luqada Persian ka ah ee Bandar taasoo macnaheedu yahay marso ama deked ayadoo loola jeeday magaalooyin marseedka gobolka benadir ee Somalia ee Muqdisho,Marko iyo Baraawe. Magaca Muqdisho isagana waxaa lagu fasira “maqcadu Shaah” xarunta shaaha Persia.

    Magaalada waxaa ku dhaqana dad hodon ah waxaana ka socday waagaas ganacsi xoog leh waxaana qarnigii 13aad booqasho ku yimid bad-mareenka Carbeed ee dalka Moroco u dhashay ee Mohamed Ibnu Batuuta iyo Vasco de Gama oo ahaa Badmareen bortuqiis ah oo isna yimid qarnigii 15aad.

    Muqdisho waxaa sannadku markuu ahaa 1430 soo booqday safiir ka socday boqortooyada markaas ka talineysa dalka Shiinaha ee ku abtirsan jirtay Ming Dynasty ayadoo Shiinuhu ka jawaabayeen booqasho hore ay Muqdisho ugu dirtay dalka Shiinaha sannadku markuu 1416.

    Caasimada waxaa isu soo bedelay xukuumado kala duwan min sannadka 370 ee miiladiga sida (XIMYIR, ISLAAM, HALAWAAN, SHIRAAZI, FAKHRUDIIN, BURTUQIIS, MUDAAR, CUMAAN, MUSTACMARDO TALYAANI IYO INGIRIIS iyo nidaankii wisaayada ee Talyaaniga ee “Amministraziione Fiduciario Italiano per la Somalia – AFIS”.

    [ad name=”HTML-2″]

    XORIYADA KADDIB

    Soomaliya markii ay xoiyadda gaartay 1960, caasimada Somalia waxay maamulayay Duqa magaalada (Il Sindaco di Mogadiscio) oo kaashanayay Gole Deegaan oo la oran jiray (Consiglio Municpale ama City Coucil).

    Gobolka Benadir wuxuu ka koobna 8 degmo waxana xukumyay Guddoomiyaha Gobolka (Governor of Benadir Region) ayadoo Degmada uu xukumayay (Commissario Distrettuale).

    Nidaamka kacaanka ee 1969 ilaa 1990 ayaa hal meel isugu geeyay hoggaanka caasimada oo Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka oo mid qur ah ka dhigay.

    Waqtiga dawlad la’aanta min 1991 ilaa 2000 muqdisho waxaa la gaarsiiay heerkii ugu xumaa inti ay soo jirtay ayadoo la burburiyay dhamaan daarihii iyo guryaha sida quruxda badan u dhisan ayadoo la tirtiray dhamaan dhulkii ay yiiliin wixii taariikh ee soo jireenka ahaa ee yiilay caasimada.

    Dagaal-ogayaashu waa u suuroobi weysay inay xitaa dhisaan maamul ka shaqeeya bilic soo celinta magaalda oo loo casilay heer tuulo ka hoose ayadoo faras magaalaha Muqdisho uu noqday keyn duur oo waraabuhu ku hoydo

    Waxaa la mooda in hadda waqtigaas la soo dhaafay ayadoo muddo la hadal haya in caasimada loo yeelo maqaam gaar ah sida ay mar dambe ku hanan lahayd magaca caasimada oo looga gudbin lahaa goof reer leeyahay.

    GOLAHA DEEGAAN (Consiglio Municipale – City Council)

    Abuurista maqaamka cusub ee Muqdisho waxaa marka hore ugu horreysa in la abuuro gole deegaan oo ka dhex muuqan karaan dad si ramsi ah uga wakiil dadka Soomaalida ee degenaa Muqdisho burburka ka hor isla makaana ku lahaa dano dhaqaale oo isugu jira hanti ma guurto iyo mid kale oo caasimada loo yiqiin wixii burburka ka horreyay.

    Inta laga gaarayo waqtiga in golahaasu doortaan Duqa Magaalada Muqdisho lana joojiyo magaacibista ay dawladdu soo magacaabeyso Duqa Magaalada dawlad ayadaba kursiga ku timi soocasho ee aan ku imaan doorasho.

    Dalku wuxuu maraya waqti ummaddu ay taariikh u dhaafi doonto jiilalka soo socda. Soomaalia yaaney jiilka maanta jooga ceeb ka dhaxlin.

    WAARI MEYSIDA WAR FIICAN HA KAA HARO.

    W/Q: C.qaadir Maxamuud Walaayo

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    caasimadda Maqaam Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDerbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya: Xaalad amni mise dhul boob cusub..?
    Next Article Turkish model in Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo