Dhacdo naxdin leh ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii uu nin xaasle aha uu gowracay xaaskiisii.
Falkanka oo ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha, gaar ahaan Saraha mattaanaha ee magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan inuu falkan u sameeyay maseyr dartii, isagoo adeegsaday Toorey, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Haweeneyda la gowracay lagu magacaabi jiray Abshiro Sheekh Nuux, iyadoo lahayd inay uur afar bilood ah. Falkan ayaa naxdin weyn ka dhaliyay xaafadda Suuqa Xoolaha. Ninka falka geystay oo lagu magacaabo Aadan Cali Macalin ayaa baxsaday.
Arrintan ayaa ka mida dhacdooyin naxdin leh oo marar qaar ka mida gobollada dalka, sababo kala duwan awgood.