Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Dhacdo xanuunka badan oo laga dhaxlay Qaraxii Zoobe (Aabe ka tegay 4 Xaas & 30 Caruur ah-Sawirro)

    Dhacdo xanuunka badan oo laga dhaxlay Qaraxii Zoobe (Aabe ka tegay 4 Xaas & 30 Caruur ah-Sawirro)

    October 24, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ma yara Murugada iyo xanuunka uu reebay qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaa qaraxaasi noloshooda ku waayay dad ku dhaw 400-qof oon qaarkood la helin hilbahooda.

    Qaraxan ayaa xanuun badan ku reebay qoysas badan oo Soomaaliyeed, marka laga soo tago xanuunka iyo murugada uu reebay qaraxan ayaa hadana ahaa mid dadkii uu dhibku kasoo gaaray xanuunka uu u kala duwanaa.

    Allah u naxariistee Cabdilaahi Maxamuud Siyaad (Yariisow) waxa uu kamid ahaa dadkii faraha badnaa ee ku dhintay qaraxii Zoobe, aabahan waxa uu ahaa nin ka xoogsan jiray dalaalnimo gaar ahaan waxa uu dalaal ka ahaa Geella lagu iibiyo Afgooye.

    Cabdulaahi Yariisow ayaa dhimashadiisa aheyd mid aad u xanuun badan, waxaa xusid mudan in xitaa aan la helin hilbihiisa iyadoona ugu dambeyn eheladiisa markii ay meel walbo ka waayeen iska quustay una xisaabiyay geeri.

    Naxtinta geeridiisa reebtay Marxuunkan ma aheyn mid aad u yar, waxa uuna ifka kaga tagay 30-Caruur ah uu dhalay una badan kuwa aad u yar yar oon qaangaarin iyo Waliba 4-xaas oo labo kamid ah Xaamilo yihiin halka mid kalana ay wali Umul ku jirto.

    Waxaana maanta ku booqday 27-kamid ah caruurtii uu ka dhintay C.Laahi Yariisow Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa afar kamid ah xaasiiskii uu ka geeriyooday iyo waliba kuwa ay kala tageen oo iyana caruur kala duwan u hayay.

    Caruurta qaarkood aan la hadlay murugu badan ayaa wajiyooda ka muuqatay, qaarkood wayba ku adkeyn in ay hadlaan ilmo ayaana indhahooda ka socotay, waxaana caruurta qaarkood iyaga uu hadalku dhibayay sheegeen in ay dareemayaan xanuun badan kadib geeridii aabahood oo noloshooda gacanta ku hayay.

    Ma jirin wax hanti ah uu ka dhintay Allaha u Naxariistee C/Laahi Yariisow, waxa uuna subax kasta u kalihi jiray sidii dabkooda uusan u dami laheyn 30-ka caruurta ah uu dhalay iyo hooyooyinkooda, caruurta ayaana isugu jira kuwa iskuulo dhigta iyo kuwa dugsiga Quraanka dhigta.
    Caruurta Aabahan Soomaaliyeed ka dhintay hada qaarkood iskuulkii iyo Dugsigii wey isaga hareen, waayo ma heestaan cid damaanad qaaday oo ka bixineysa lacagta laga rabo, waxa ayna maanta dareemayaan xanuunka agoonimadu leedahay aysan horey u aqoon.

    Maxamed Maxmuud Siyaad (Dhagaweyne) oo la dhashay Marxuunka geeriyooday ayaa ii sheegay in ay dareemayaan murugo aad u badan oo ka dhalatay geerida walaalkis, waxa uu sheegay in Walaalkii uu gacanta ku hayay nafaqeynta 30-caruur ah uu dhalay iyo sideed hooyo uu afar kamid ah qabay kuwa kalana kala tageen.

    Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed in ay garab siiyaan caruurtan agoonta ah uu ka dhintay Aabihii u xamaali jiray, waxa uuna tilmaamay in walaalkiis culees badan hayay balse maanta qadartii eebe ku timid kuna samrayaan.

    Qaraxii Zoobe ayaa indhaha ka riday qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxa uuna qaraxan ahaa kii ugu xanuunka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya ee galafta nolosha boqolaal qof oo masakaiin ah, qaraxan ayaana ahaa mid si weyn looga dareemay meelo badan.

    Hadaba Cidii dooneysa ilmaha agoonta ah u gar gaaraan hakala xariiraan
    Maxamed Maxamuud Siyaad (Dhagaweyne)
    Tell 252615507901
    Ama Nadiifo Daahir Iidow
    Tell: 252615980134

    W/Q: Gacal Ayman

    Aabe ka tegay Agoon Qaraxii Soope Qiso
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/weli Gaas oo Go’aan ka qaatay casuumaadii Madaxweyne Farmaajo ee Madaxda Maamul Goboleedyada
    Next Article KASHIFAAD: Maxaa ka dhaxeeya Milkiilaha Idaacadda Shabeelle & Maareeyaha Dekadda Muqdisho..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo