Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Daaci) ayaa ku eedeeyay maaulka Gobolka Banaadir inay lacagtii canshuurta doorasho u adeegsanayaan.
Axmed Daaci oo Jowhar kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dhaqaale badan ku bixinaayo musharixiinta aqalka hoose ee Hirshabeelle qaarkood, wuxuuna ergada doorashada u sheegay inay qaataan lacagta Gobolka Banaadir oo uu sheegay inay tahay qeybtii ay ku lahaayeen canshuurtii ay bixiyeen.
DHAGEYSO AXMED DAACI