Guddoomiyaha Guddiga dibu eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka ayaa ka digay ka qeyb galka shirweyne ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka oo looga hadlayo arrimaha Dastuurka.
Guddoomiyaha Guddiga Cabdi Xasan Cawaale (QEYBDIID) oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ka sheegay in shirka Wasaaradda Dastuurka uu yahay mid garab marsan Dastuurka ayna iska wadato Wasaaradda.
“Wasaaradda Dastuurka ayaa si awood maroorsi ah ku abaabushay shirka, iyadoo iska indha tireysa hab raaca lagu jideeyay dastuurka federaalka Soomaaliya.” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo akhrinayay War-murtiyeedka kaso baxay Guddiyada Baarlamaanka ee Dastuurka iyo kan madaxa bannaan ee dib eegista Dastuurka.

DHAGEYSO CABDI QEYBDIID