Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kana mida xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay colaada Galkacyo.
C/raxmaan Faroole oo markii ugu horeysay si mas’uuliyad leh uga hadlay dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku baaqay in madaxda Soomaalida isugu yimaadaan Gaalkacyo si loo joojiyo dagaalka.
Wuxuu ku baaqay in loo istaago joojinta dagaalka Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyay in haddii aan la joojin dagaalkaasi aanay jiri karin doorasho iyo wax la isku aamini karo, isagoo madaxda hoose ee Puntland oo dagaalka shidaya ku tilmaamay kuwo dagaal oogeyaal ah.
DHAGEYSO CODKA FAROOLE
Wadani.com