Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»DHAGEYSO Farmaajo: “Difaaca dalka anigaa ugu horeeya oo difaaca hore galaya..” Farriin uu diray

    DHAGEYSO Farmaajo: “Difaaca dalka anigaa ugu horeeya oo difaaca hore galaya..” Farriin uu diray

    October 18, 20172 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda dowladda Federaalka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi C/llaahi iyo R/wasaaraha  Xasan Cali Khayre, wasiiro, xildhibaanno iyo guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday  Qaraixii Muqdisho iyo Shabaab, kaasoo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho.

    Mas’uuliyiinta ayaa khudbad u jeediyay shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku booriyay in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.

    Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in lagu soo duuley jiritaanka umadda Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday shacabka in waxkasta meel la iska dhigo loona soo jeesto xoreynta Dalka.

    Intaasi kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dheer oo khiiro gelisay shacabka Soomaaliyeed ka jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo,oo siweyn uga hadlay khataraha bulshada ay ku hayaan maleeshiyada Shabaab shacabka Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday kahadalka ahmiyadda ay leedahay in cadowga SHabaab laga difaaco dalka iyo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in la sameynayo ciidamo loogu magac daray ciidamada difaaca Shacabka.

    “Waxaan leeyahay caruurtii,Aabayaashii iyo hooyooyinkii ku dhintay qarixii 14kii bishan dhacay illaahay ha u naxriisto,gacan ka xaqdaran ayaa dishey,aan u duceyno in illhaahay naxriistiisa uu siiyo,intii dhaawacantayna uu bogsiiyo,dadkaasi waxay ahaayeen mujaahidiin,waa ay shahiideen,dalka dhibaatada in muddo ah kajirta waxaa sabab u ah inaga oo caasinay illaahay aan u towbad keeno oo aan cafisweydiisano inagana aan iscafino si aan u helno naxriista alle”, Ayuu yiriMadaxweyne Farmaajo.

    DHAGEYSO

    http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/10/Cod-1.mp3

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowladihii ka qeyb qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay,wuxuuna xusay in mar un loo abaal gudi doono,wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Qaranka sida ay ugu istaageen howlaha gurmadka ah tan iyo malintii qaraxa uu dhacay,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaad adag.

    “14kii bishan waxay noqonaysa Taariikh madow oo Soomaaliya ay xusuusan doonto 100 sano ee soo socota, balse uu yiri waxay ku xiran tahay sida ay uga jawaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaa la sameynayaa ciidamada difaaca shacabka waxaa lagu bilaabayaa 14 milyen oo dowladdu bixinayso,waxaana kow ka ah shaqaalaha Dowladda,ha la is qoro dalka hala difaaco”,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

    Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay ciidamada Amisom dowrka ay ka qaadanayaan difaaca dalka,balse wuxuu xusay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in iyaga ay is difaacaan hubkuna ay qaataan si ay uga hortagaan dhagaraha cadowga.

    Sawirro

     

     

    Ashabab Bannaanbax Farmaajo Qaraxii Soope Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWafdi iyo Gurmad ay dirtay dowladda Puntland oo gaaray Magaalada Muqdisho [Sawirro]
    Next Article Dowladda Qatar oo furtay Mashruuc lagu caawinayo dadkii ku waxyeeloobay Qarixii Soobe [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo