Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay goobta laga dhoofiyay xoolihii dowladda Sacuudiga soo celisay ee keenay in Sacuudigu joojiyo xoolaha Soomaalida.
Wasiirka Wasaarada Xanaada Xoolaha dowladda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay arrinta shixnada Xoolaha la soo celiyay, laguna sameyn doono baaritaan.
Wasiirka ayaa caddeeyay in xoolahaas laga dhoofiyay magaalada Muqdisho, haddana ay hubinayaan cudurrada lagu sheegay ee kala ah: Rift Valey iyo Foot and Mouth. Wasiirka ayaa ku adkeystay in xoolaha Soomaalida ay caafimaad qabaan.
Arrintan oo dhibaato weyn ka soo wajahday dhaqaalaha Soomaaliya waxaa sababteeda leh dowladda Soomaaliya oo halkii ay xoolahaasi ka baari lahayd intii aysan ka dhoofin dekadda Muqdisho ee ay gacanta ku heyso hadda ku doodeysa inay baareyso kadib markii ay keeneen dhibaato weyn.
DHAGEYSO WASIIRKA
Wadani.com