Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa difaacay kulan gaara oo uu la yeeshay qaar ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu qabtay kadib kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay musharixiinta kala ah: Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Maxamed Faroole ayuu sheegay Prof. Jawaari in kulanka ay ka dalbadeen musharixiinta oo su’aalo ka weydiinayay arrimaha doorashada, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la kulmo dhammaan musharixiinta.
Musharixiinta kale ee uu qaaiblay Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mida ,Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu Musharaxiinta guddoonsiiyey buugaag ay ku qoran yihiin taxanaha doorashadda Golayaasha sharci dajinta dalka soo maray ilaa sanadkii 1959-kii iyo habraaca doorashadda madaxweynaha iyo xeer hoosaadka u gaar ah .
Su’aalaha la weydiiyay ayuu sheegay Jawaari inay ka mid ahaayeen xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha, taasoo ku xiran Guddiga Doorashada ee ay wada sameyn doonaan labada gole ee Baarlamaanka.
DHAGEYSO
Wadani.com