Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa qarxiyay musuq ka dhacay Doorashada socota ee 2016.
Wuxuu ka hadlay in Doorashada Soomaaliya ay ka socota ay hareeyeen ficillo musuqmaasuq ah oo ay ka mid yihiin codadka oo la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsi gelin.
Lix kursi oo musharraxiinta haatan ku fadhida ay kusoo baxeen ayuu sheegay inaysan sharci ahayn, wuxuuna kashifay kiisas badan oo ka dhacay Kismaayo, Jowhar iyo Cadaado.
DHAGEYSO WAREYSIGA HANTI DHOWRKA EE VOA-DA
Wadani.com