Gudoomiyaha Gobolka Banaair ahna Duqa Muqisho Thaabit Cabi Maxamed ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Isgoyska KM 5 ee Soobe laga bedelay magacii hore, lana oran doono isgoyska 14-ka Oktoobar.
Isagoo goobta qaraxa ka dhacay kula hadalyay saxafiyiinta ayuu sheegay in mar haddii magaca la bedelay Isgoyska Soobe ay raadinayaan goob taallo laga dhiso si loogu xusuusto dadkii lagu laayay goobtaasi oo ka badan 300 qof.
Xilliga la furayo jidka oo mudod 5 maalmood ah xiran ayuu guddoomiyaha Gobolka Banaadir sheegay inay ku dadaalayaan sidii degdeg loogu furi lahaa Jidka, iyadoo ay socdaan dadaallo dib u dhis ah.
DHAGEYSO