Dhalinyaro Soomaaliyeed oo intooda badan ka baxay Dugsiyada Sare iyo jaamacado ayaa laga eryay tababar ay isu qoreen inay ka mid noqdaan ciidamada dowladda.
Tababarkaan oo ay fulineyso dowladda Turkiga ayaa loo qaatay dhalinyaro ka badan 500, waxaana dibadda la dhigay 363 dhalinyaro ah oo sheegay in si musuqmaasuq ah looga reebay tababarka.
Dhalinyaradan oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka loola dhaqmay iyadoo doonayay inay ka mid noqdaan ciidamada dowladda, bedelkoodana la geliyay dhalinyaro ay wataan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA DHALINYARRAN OO FARRIIN U DIRAY FARMAAJO