Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Goormee Sheekh Mukhtaar Roobow ka baxay Kooxda Al Shabaab..? [Qormo]

    Goormee Sheekh Mukhtaar Roobow ka baxay Kooxda Al Shabaab..? [Qormo]

    August 14, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Goormee Muqtaar Rooboow ka baxay Al Shabaab ayaa noqotay dooda ugu xoogan 48-dii saac ee lasoo dhaafay kadib isu soo dhiibistiisii Dowladda Somalia ee maalintii shalay .

    Kooxdda sidda daalibkan u sameysan ee Al Shabaab waxey baahiyeen inuu 7 sano ka hor kooxdda ka baxay kadib qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyihii geeriyooday ee kooxdda Axmed Cabdi Godane.

    Hadaba maxaa ka run ah arintaan?

    Muqtaar Rooboow Cali oo gudaha Al Shabaab looga yaqaano Abuu Mansuur, waxaan la kulmay 2 jeer intii ahaan suxufi wardoon ah.

    Waa wadaad aftahan ah oo meel fudud wax kaa tusin kara, mar walba waxaan aheyn kuwa hadalkiisa uu ku siiyo Teleefoon (Shir jaraa’id oo hawadda ah ) laakiin 2010-kii xili galab ah ayaan ka mid noqday 7 saxafi oo ay Al Shabaab ugu yeereen arin aanan mowduuceeda la aqoonin oo waliba u muuqatay mid kadis ah.

    Saxafiyiin aan hadda ka xasuusto Ismaciil Istiila , Liibaan Cumar, Maxamed Ibraahim Raage oo dhintay (AUN) iyo Howl wadeenadda Al-Jazeera ayaa ka mid ahaa safkeena oo qaarkeen aan lug ku tagnay guri la ii sheegay markaas iney Al Shabaab ka qabsadeen C/wali Qanyare mise hubo in gurigga C/wali Qanyare lahaa, Ma aheyn markii koowaad ee aan gurigaas tago oo maalin ka horeysay ayaan tagnay inagoo baddan xili Shabaab ay soo bandhigayeen 2 askari oo Dowladda kasoo goosatay sida ay sheegeen.

    Qofkeena ma fahmin ujeedada shirkaan qorax gaabka la abaabulay, markii aan meesha tagnay waxaa joogay Muqtaar Roobow, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere ) oo wajigiisa ay maalinkaas iigu horeysay iyo dad kale oo aan ka xusi karo Xasan Xanafi Xaaji oo Al Shabaab dhanka warbaahinta kala shaqeyn jiray kaas oo ay Dowladda Somalia toogasho ku fulisay, waxaan xasuusta inaan wariyaasheena maxaliga ah 30 daqiiqo sugeynin saaxibadda Al-Jazeera oo xoogaa soo daahay, inta aan xasuusto Al Shabaab mahadli jirin iyadoo aaney imaanin Al –Jazeera madaama loo arko TV buun buuniya xoogaga islaamiga ah ee dunidda oo dhan ku firirsan.

    Roobow ayaa hadalka furay oo sheegay inuu rabo inuu wareejiyo afahayeenimadda Al Shabab uuna ku wareejiyo Cali Dheere oo markaas ahaa wakiilka Al Shabaab ee gobalka Gal-gaduud, saxafiyiinta waxa uu ku yiri waxaad fasax u tihiin inaad su’aasha rabtaan I weydiisan, Sidoo kale waxaan aad u xasuusta inuu yiri “Sidaad doontan ii sawirta maanta dib dambe iima sawiran doontaane “

    Dadka su’aalaha dhiibtay oo aan ku jiray waxaan weydiiyay “Malaga yaaba inuu jiro qilaaf gudaha ah oo aad xilkan uga dagtay “ laakiin waxaa uu iigu jawaabay isagoo xiran dharka ciidanka qorina garabka ugu jiro,wiilal afafku u xiran yihiina hareeraha ka joogaan “Qilaaf ma jiro ee dhinac kale ayaan ka qabanaya shaqada jihaadka “.

    Aadbaan u shakiyay maalinkaa ,markii aan soo baxnay saaxibadey iguma raacin inuu jiri karo qilaaf kooxdda iyo Rooboow ah waxaana ay badi qabeen madaama ay odayaasha beelaha Hawiye ku dhaleeceeyen Muqtaar Rooboow gumaadka dadka Muqdisho dagan in kooxdda Al Shabaab ay ciyaartay qadiyad kale oo ah in Hawiye iyaga la isku baneeyo wixii war ah taasina ay tahay sababta Cali dheere loo magacaabay.

    Anoo wali shakigii qaba ayaan daarta Amal ee suuqa Bakaaraha 3 habeen kadib ku arkay Ibraahim Roobow oo la dhashay Muqtaar Rooboow oo isna kooxdda ka tirsana, Ibraahim oo uu iskeen baray nin la oran jiray Shiikh Maxamed Ibraahim Bilaal oo sheegan jiray inuu madax ka yahay Golaha Camalka Islaamka ayaan casho iyo wada shekeysi kadib weydiiyay tuhunkeygii ahaa inuu Muqtaar Roobow kooxdda ka carooday, wuxuu ii muujiyay inuu qilaaf jiro balse uusan rabin inuu ku dheeraado arinkaas.

    Maalintaas ilaa hadda waxaan aaminsanaa inuu Roobow ka baxay Al Shabaab ama ka carooday kooxdda, waxaase ugu dambeyn shalay i shaki bixiyay Al Shabaab oo sheegay inuu 7 sano ka hor ka baxay balse ay siiyeen ciidan ilaaliya madaama uu Mareykanku ku raad joogay.

    Waxaan halkaan ka fahmi karnaa inuusan Roobow waxba hadda kala socon hanaanka ay Al Shabaab u shaqeyso iyo halka ay wax marayaan madaama uusan 7 sano wax lug ah kulaheyn dhaq dhaqaaqa kooxdda, intii uu Rooboow ka maqnaa Al Shabaab waxaa dhacay is badalo badan oo kooxdda dhexdeeda ah ,inkastoo aan laga hor dhici karin hadana ma muuqato wax badan oo uu kusoo kordhin karo sirdoonka Dowladda Somalia sargaal 7 sano dibad joog ka ahaa Al Shabaab kuwasoo la aaminsan yahay iney mar walba falsafadooda wax ka badalaan.

    Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax
    [email protected]

    Alshabab Roobow Sheekh Mukhtaar Roobow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShariif Xasan oo Dowladda Soomaaliya ka dalbaday Qorshe ku saabsan Mukhtaar Roobow [Akhriso]
    Next Article DHAGEYSO QEYLO-DHAAN: Dhalinyaro laga eryay Ciidamo uu Muqdisho ku tababareyso Dowladda Turkiga

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo