Maxkamadeyntii dhalinyarada Soomaalida ee ku xiran dalka India ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Mumbai.
Dhalinyaradan oo ku eedeysan burcad badeednimo ayaa hore loo dhageystay kiiskooda, waxaana maanta loo balansan yahay in xukun lagu qaado, waxaana 50 kamida ay sheegtay saxaafadda India inay wajihi karaan ijn lagu xukumo dil.
Tirada hore loo soo taagay maxkamadda Mumbai ayaa gaareysa 116 maxaabiis, waxaana hore looga faafiyay warar been ah oo ku saabsan in la xukumay, laakiin safaardda Soomaaliya ee India ayaa shaacisay inuusan jirin wax xukun ah oo ku dhacay.
Dhalinyaran ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada Badda India ka sameeyeen Badda Soomaaliya sanadihi 2011-2012, waxaana xeer ilaaliyaha gaarka ah ee India Renjeet Sangle inuu dacwdan maanta ku soo oogo maxaabiista Soomaalida.
Xiriiro ay madaxda dowladda federaalka la sameeyeen India ayaan la ogeyn wax kasoo baxay, laakiin waxaa iska yar rajada ay dowlad dimoqraadi ah ay ku faragelin karto arrimaha cadaaaladda.
Wadani.com