Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dhaqaale yari soo wajahday Xukuumadda Soomaaliya (Dowlad dulsaar ku ah Muqdisho)

    Dhaqaale yari soo wajahday Xukuumadda Soomaaliya (Dowlad dulsaar ku ah Muqdisho)

    May 19, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir aan caadiga ahayn oo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga dooday dhaqaale darro baahsan oo heysata xukuumadda iyo mushaar la’aan soo wajahday shaqaalaha dowladda,  Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka  Maxamed Cumar Carte.

    golewasiiro

    Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha horkeentay nidaamka casriga ah ee ay ku shaqeyso. Wasiirka Maaliyadda  Maxamed Aadan Ibraahim oo shir jaraa’id qabtay kadib shirkaasiayaa sheegay in golaha wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen nidaamka ugu wanaagsan ee ay Wasaaraddiisu ku shaqeyso, isagoo tilmaamay in golaha wasiirada ay u gudbiyeen sida loo maamul dhakhliga dowladda iyo qarashaadka la bixiyo, iyadoo la adeegsanayo hab cusub oo casri ah, si raad-raac ay u lahaayaan dhammaan lacaga baxa ama soo gala dalka.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in laga dooday Miisaaniyadda 2015-ka ee dowladda, maadaama ay soo  baxeen caqabado u baahan in wax laga qabto, golaha wasiirada ayuu sheegay inay u gudbiyeen talo soo jeedin ka timid wasaaradda Maaliyadda oo ku aaddan dakhli kordhinta dowladda, isla markaana lala xisaabtamo wasaaradaha kale ee Xukuumadda.

    “Waxaad la socotaan inaan la bixin mushaaraadka dowladda, dakhliga dowladda 50%, gudaha ayaa laga helaayay, dowladda kharashka gudaha ayay ku shaqeyneysaa; lacagihii dibadda weli lama helin, golaha wasiirrada waxaan u gudbinnay sidii arrintaasi xal looga gaari lahaa, waana tallo soo jeedin wasaaradda Maaliyadda ka timid, iyadoo wasaarad walba lagula xisaabtamayo Dakhliga soo gala”. Ayuu yiri wasiirka.

    Wasiirku wuxuu  sheegay in lagu heshiiyey in dib ugu laabashada heshiiyada ay Xukuumadda la gashay hey’adaha caalamka qaarkood, isagoo intaa raaciyey in nidaamka lagu shaqeynayo uu yahay mid la jaan-qaadaya waqtiga, wuxuuna shacabka kula dardaarmay in ay Xukuumadda la xisaabtami karaan.

    Dowladda Soomaaliya oo dhan ayaa ku tiirsan canshuurta laga qaado magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo aanay wax dhaqaale ah ka soo gelin goboladda kale ee dalka. Waxaana su’aalaha la is weydiinayo ka mida: ILAA INTEE AYAY DOWLADDA FEDERAALKA DULSAAR KU AHAAN KARTAA DHAQAALAHA MUQDISHO OO KALIYA?. waxaa la ogyahay in canshuurta laga qaado Degmada Afgooye toos loogu diro magaalada Baydbaba ee maamulka KMG ah ee K/Galbeed arrintan waxay ka mid ahayd su’aalo ka dhashay kulankii maanta ee golaha wasiirada oo jawaab loo waayay.?

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirada xukuumadda Soomaaliya oo laga joojiyay inay heshiisyo galaan (Akhriso amar culus oo lagu soo rogay -Wareegto-)
    Next Article Maamulka Jubba oo eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo