Shir aan caadiga ahayn oo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga dooday dhaqaale darro baahsan oo heysata xukuumadda iyo mushaar la’aan soo wajahday shaqaalaha dowladda, Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.
Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha horkeentay nidaamka casriga ah ee ay ku shaqeyso. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim oo shir jaraa’id qabtay kadib shirkaasiayaa sheegay in golaha wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen nidaamka ugu wanaagsan ee ay Wasaaraddiisu ku shaqeyso, isagoo tilmaamay in golaha wasiirada ay u gudbiyeen sida loo maamul dhakhliga dowladda iyo qarashaadka la bixiyo, iyadoo la adeegsanayo hab cusub oo casri ah, si raad-raac ay u lahaayaan dhammaan lacaga baxa ama soo gala dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in laga dooday Miisaaniyadda 2015-ka ee dowladda, maadaama ay soo baxeen caqabado u baahan in wax laga qabto, golaha wasiirada ayuu sheegay inay u gudbiyeen talo soo jeedin ka timid wasaaradda Maaliyadda oo ku aaddan dakhli kordhinta dowladda, isla markaana lala xisaabtamo wasaaradaha kale ee Xukuumadda.
“Waxaad la socotaan inaan la bixin mushaaraadka dowladda, dakhliga dowladda 50%, gudaha ayaa laga helaayay, dowladda kharashka gudaha ayay ku shaqeyneysaa; lacagihii dibadda weli lama helin, golaha wasiirrada waxaan u gudbinnay sidii arrintaasi xal looga gaari lahaa, waana tallo soo jeedin wasaaradda Maaliyadda ka timid, iyadoo wasaarad walba lagula xisaabtamayo Dakhliga soo gala”. Ayuu yiri wasiirka.
Wasiirku wuxuu sheegay in lagu heshiiyey in dib ugu laabashada heshiiyada ay Xukuumadda la gashay hey’adaha caalamka qaarkood, isagoo intaa raaciyey in nidaamka lagu shaqeynayo uu yahay mid la jaan-qaadaya waqtiga, wuxuuna shacabka kula dardaarmay in ay Xukuumadda la xisaabtami karaan.
Dowladda Soomaaliya oo dhan ayaa ku tiirsan canshuurta laga qaado magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo aanay wax dhaqaale ah ka soo gelin goboladda kale ee dalka. Waxaana su’aalaha la is weydiinayo ka mida: ILAA INTEE AYAY DOWLADDA FEDERAALKA DULSAAR KU AHAAN KARTAA DHAQAALAHA MUQDISHO OO KALIYA?. waxaa la ogyahay in canshuurta laga qaado Degmada Afgooye toos loogu diro magaalada Baydbaba ee maamulka KMG ah ee K/Galbeed arrintan waxay ka mid ahayd su’aalo ka dhashay kulankii maanta ee golaha wasiirada oo jawaab loo waayay.?
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]