Iyadoo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba ay sii wadaan diidmada iyo gilgilashada ay uga hor tegayaan mooshinka doodiisu ka socoto Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsan sharci darro la sheegay in lagu dhisay Baarlamaanka maamulka Jubba ayaa afhayeenka Axmed Madoobe eedeyn cusub u soo jeediyay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Afhayeenka Maamulka Jubba C/Naasir Seeraar ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya inuu mas’uul ka yahay Mooshinka laga keenay Xildhibaanada maamulka Jubba, wuxuuna intaas ku daray in Jawaari uu gadaal ka riixayo kuna feker yahay xildhibaannada mooshinka wada. Mooshinka ayuu sheegay inuu yahay sharci daro, isla markaana abaabulkiisa uu qeyb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka.
Afhayeenku wuxuu sheegay inuusan maamukiisa aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa iyo go’aan kasta oo Baarlamaanka Soomaaliya ka gaaro arrinta dhismaha Baarlamaanka Jubba. Hore madaxweyne ku xigenka labaad ee Jubba Suldaan C/qaadir Luga dheere ayaa ku hanjabay in maamulkooda ka fiirsan doono wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda haddii mooshinka sii socdo.
Hanjabaadda, diidmada iyo ceebeynta xildhibaannada Baarlamaanka ee ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka Jubba waxay marqaati u tahay sida aysan u jirin kala sareyn sharci iyo marxalada adag ee dalku marayo.
Hoos ka dhageyso codka Afhayeenka oo Radio Kulmiye la hadlay
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]