Wararka laga helayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in caawa dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo qeybo ka mida magaalada.
Ciidamo taabacsan dowladda ayaa lagu arkay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada sida Isgoysyada Jidka Soddonka, waxaana wararku sheegayeen inuu jiro dhaqdhaqaaq ciidan, kadib markii Taliyihii xilka laga qaaday ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon uu ka guuray aagga Afisyoone ee uu deganaa, sladhigna ka dhigtay xaafadda Shiirkole.
Saadaq Joon oo xilka laga qaaday, isla markaana Farmaajo uu soo saaray wareegto darajada looga dhigayo ayaa heysta ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ku dhow 10, wuxuuna markii hore deganaa agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Arrintan ayaa abuurtay hadal heyn badan, inkastoo aanay jirin wax xiisad ah, marka laga reebo dhaqdhaqaaqa ciidan. Ciidamo wata gadiidka dagaalka oo ka tirsan Haramcad ayaa dib uga laabtay agaagagga ku dhow Isgoyska Baar Ubax iyo Albaraka.
Wararki ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay xaalada degan tahay, inkastoo dadka degaanka ay sheegeen inay dareemeen xaalad aan caadi ahayn ciidamo laba dhinac ah ah; waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo 24-kii ee lasoo dhaafay la hadal hayey inuu jiro qorshe ay dooneyso kooxda Farmaajo inay ku weerarto Saadaq Joon.
