Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu dhaawacay dhaqtar ka howlgala magaalada Muqdisho, kadib markii ay rasaas fureen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dhaqtarka oo lagu magacaabo Dr. Cabdi Xaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Digfeer), isla markaana qaabilsan dhinaca caruurta ayaa lagu dhaawacay Agagaarka isgoyska Sope, gaar ahaan maqaayada Beder ee degmada Hodon.
Dhaawaca gaaray Dr. Xaliim Maxamuud ayaa ka dhashay Rasaas ay wadadda ku furanayeen ciidamada dowladda oo halkaasi marayey, waxayna ka Garabka, iyadoo muuqaalladda gaariga uu watay uu muujinayo inay halis weyn gashay noloshiisa.
Dhaqtarka ayaa la dhigay qeybta Qaliinka ee isbitaalka uu ka howlgaleyy ee Digfeer, iyadoo xaaladiisa lagula tacaalayo.

