Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna ninka ugu awoodda badan dalkaasi oo uu dhalay Boqorka Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa caawa kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Famaajo oo booqasho ku jooga Sacuudiga.
Laba dhinac ayaa wadahadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka, waxaana wakaalada wararka Sacuudiga ay goor dhoweyd sheegtay in labada dhinac ay isla soo qaadeen sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca bulshada iyo dahqaalaha.
Sacuudiga ayaa dib u furaya taageero dhaqaale oo hore loogu ballanqaaday Soomaaliya, taasoo la hakiyay markii ay Soomaaliya qaadatay mowqif dhexdhexaad ka ah xiisada Khaliijka.
Kulanka waxaa dhinaca Soomaaliya goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha dibadda YusufGaraad Cumar, Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Geelle iyo la-taliyaha Madaxweynaha.
SAWIRRO