Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dib u dhac ku yimid Dacwadii loo heystay Askari Somali-Mareykan ah oo Dil geystay.

    Dib u dhac ku yimid Dacwadii loo heystay Askari Somali-Mareykan ah oo Dil geystay.

    December 29, 2017Updated:May 1, 20192 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dacwad lagu soo oogi lahaa askari Mareykan ah oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa dib loo dhigay, isagoo ku eedeysan dil bareer ah oo uu kula kacay haweeney Australian ah.

    Justine Damond, oo 40 sano jir ahayd, waxaa dilay Maxamed Nuur bishii July ka dib markii ay booliska telefoon ka wacday si ay ugu wargeliso in haweeney ay ka qeylineyso duleedka gurigii ay ka deganayd Minneapolis.

    Dacwad oogaha baaritaanka ku haya kiiska dilkii loo geystay haweeney u dhalatay Australia ayaa sheegay in shaqo dheeraad ah uu kiiska u baahan yahay, ka hor inta aan la go’aasan in dacwad lagu oogo askerigii toogtay haweeneyda.

    Baaritaannada la xiriira geerideeda ayaa hadda socdo, mana jiraan dacwado lagu oogay Maxamed Nuur, illaa iyo hadda. Dacwad oogaha ayaa horay u ballanqaaday in go’aan uu gaarayo ugu dambeyn dhammaadka sannadka.

    Laakiin Khamiistii, wuxuu sheegay in kiiska uu u baahan yahay wakhti dheeraad ah, ayna tahay in aan lagu degdegin baaritaanka iyo dib u eegidda.

    “Aad bay muhiim u tahay in si sax ah loo helo, halkii si degdeg ah loo gebagebayn lahaa,” ayuu warbixin ku yiri Dacwad oogaha Hennepin County, Mike Freeman.

    Justine Damond
     Dacwad oogayaasha waxay sheegayaan in ay helayaan macluumaad badan oo la xiriira geerida Justine Damond.

    Hadalkiisa ayaa yimi ka dib markii laba isbuuc ka hor uu soo baxay muuqaalka Mr Freeman oo sheegaya in uu waayay cadeyn ku filan oo lagu dacweeya Maxamed Nuur, balse raali gelin ayuu ka bixiyay hadalkaas.

    Muuqaalka waxaa ka dhashay walaac ay muujiyeen qoyska Ms Damond oo ku nool Australia. Waxay sheegeen in ay “aad uga walwalsan yihiin” in toogashada aan si sax ah loo baarin.

    Ms Damond hub maysan haysan, dharka jiifkana way xirnayd, markii uu tooganayay Mr Nuur oo ka soo degay gaariga roondada ee booliska, sida maamulka ay sheegeen. Waxay u dhimatay hal xabo oo uga dhacday caloosha.

    Maxamed Nuur wuxuu go’aansaday in baarayaasha uusan kala hadlin arrinta toogashada.

    Kiiska ayaa dhaliyay qeylo dhaanta Australia iyo Mareykanka taas oo sababtay in ay iscasisho madixii booliska Minneapolis.

    Justine Damond Minneapolis Minneapolis police officer Mohamed Noor US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaleeshiyo kala taabacsan Maamullada Puntland & Galmudug oo mar kale ku dagaalamay Gaalkacyo
    Next Article Maxkamad Afrikaan ah oo amartay in xilka laga qaado Madaxweyne Caan oo musuq loo heysto

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo