Shirkii maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Cadaado ayaa mar kale maanta hakad ku yimid kadib markii beesha shirka marti gelineysa ay oo dhowaan ka baxday shirka ay ku adkeysatay inaysan ku laaban shirkuna socon karin, taasoo keentay in shirka caqabad kale ka hor timaado.
Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in Beesha Cadaado ay digniin u dirtay guddiga farsamada ee shirka iyo wasiirka arrimaha gudaha oo halkaasi ku sugan iyadoo uga digtay in shirkaasi la furo, waxayna ka cabaneysaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xuquuq ka maqan iyo balanqaadyo aan loo fulin, waxayna si cad ugu sheegtay labada dhinac ee shirka wada haddii ay shirka furaan wixii ka yimaada inay iyagu qaadi doonaan.
Sidoo kale waraaqo xalay lagu daadiyay Cadaado ayaa sheegaya inay uga digeen dadka ku sugan halkaasi iyo ergooyinka kala duwan inaan ammaankooda la damaanad qaadi karin, arrintan oo cabsi xoog leh oo amni ku keentay shirka iyo dadkii ka qeyb galayay.
Kulamo is daba joog ah ayaa socda oo lagu doonayo in xal loogu helo dhibaatada cusub ee soo food saartay shirka Cadaado, maamulka Ximan & Xeeb ayaa intiisa badan taageersan tallaabada ay qaadeyso beesha degaanka, waxaa kaliya oo la sheegay inuu dowladda Federaalka taageersan yahay madaxweynaha Ximan & Xeeb.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]