Sida ay sheegayaan xog laga soo xigtay saraakiisha Amniga magaalada Muqdisho waxaa laga digay baabuur qaraxyo sida inay ku jiraan caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa saddex Gaari oo waxyaabaha qarxa ku rarran yihiin inay ku jiraan magaalada oo laga yaabo inay qaraxyo ka fuliyaan baraha ciidamada ee magaalada, waxaana digiintaasi loo diray ciidamada kala duwan ee amniga.
Xogta ciidamada heleen ayaa sheegeysa in mid ka mida baabuurta looga shakisan yahay qaraxyada uu yahay Gaari ah nooca NOAH, midabkiisuna yahay Qalin, waxaana muuqata inaan lagu guuleysan in laga hotago inta aysan soo gelin magaalada.
Ciidamada Amniga ayaa si joogto ah u wadaaga digniinta ku saabsan gawaarida qaraxyada sida ee magaalada lagu tuhmo, laakiin aan intooda badan lagu guuleysto in la qabto ama laga hortago.