Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay si weyn u kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaaladaasi Ganacsiga ee ee Puntland.
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kadib markii ay weerar ku qadeen, waxayna goobta ka baxsadeen falka dilka ah kadib.
Ciidamada Amniga magaalada Boosaso ayaa goobta dilka ka dhacay , iyadoo baaritaan ka sameeyay magaalada, inkastoo aan cidna loo qaban, waxayna arrintan qeyb ka tahay dilalka qorsheysan ee kusii kordhaya magaala Boosaaso.