Maxkamad ku taalla dalka Suudaan ayaa dil ku xukuntay haweeney dishay ninkeedii oo kiiskeeda uu noqday si weyn looga hadal hayo baraha bulshada muddo sanad ka badan.
Haweeneydan ayaa lagu magaaabaa Nuura Xuseen, ayaa hadda 19 sano jir ah, waxaana iyadoo 16 sano jir ah loo guuriyey nin ay ku mehriyeen ehelkeeda sida ay caadada dadka Suudaan tahay, kadibna ay diiday inay ninkaasi la dhaqanto.
Nuura ayaa ka baxsatay Guriga ninkeeda iyadoo markaas dooneysay inay waxbarasho sii wadato oo ay noqoto culimo, laakiin waxaa qasab loogu soo celiyey gurigii ninkeedii oo si awood ah u adeegsaday inuu kula dhaqmo, waxayna dilkiisa u adeegsatay Mindi.
Dooda yaabka leh ee ay wadaan ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ah inuu ninkeedu kufsaday iyaduna ay iska difaacday, sidaasina uu ku dhintay, waxayna olole ugu jiraan in xukunka dilka ah ee lagu xukumay meesha laga saaro.
Ehelka ninka la dilay ayaa diiday inay qaataan Diyo iyo xeejajab, taasoo keentay in maxkamadda Undurmaan dil, iyadoo arrintan si weyn loo hadal hayo waxaana qareenadeeda ay heystaan muddo 15 maalmood ah oo ay rafcaan ku qaadan karaan.
Reer Galbeedka ayaa yaqaan nin xaaskiisa kufsanaya, waxayna sheegaan in haddii aysan xaasku raali ka ahayn macaamilkaasi aanu ninkeeda qasbi karin, waxayna arrintan dooda ka taagan salka ku heysaa arrintaasi, iyadoo soo nooleysay dhibaatada guurka qasabka ah.