Maxkamada gobolka Baay ayaa xukun dil ah ku ridey nin lagu soo eedeeyay fal naxdin leh oo ahaa dilka hooyadiis.
Maxkamadda ayaa fadhigeedii maanta ku xukuntay Dil toogasho ah Gacan-ku-dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo hooyadiis Marxuumad Kheyrto Shariif Xasan oo 70 sano jir ahayd si bareer ah ugu dilay Magaalada Baydhabo.
Kiiskan oo ahaa mid naxdin leh ayaa la sheegay in eedeysanaha uu muran dhex maray hooyadii, kadibna uu dharbaaxo ku dhuftay, isagoo dhagax madaxa kala dhacay, sidaadina ay ku geeriyootay Hooyada Kheyrto shariif Xasan
Dl-sugaha Mukhtar Ibraamin ayaa 36 sano jir ah, wuxuuna ku dhashay oo degayaa magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay.
