Diyaarad ay leedahay shirkadda Diyaaradaha Air DJibouti ayaa manta shil ku gashay Garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir Muuse ee Magaaladda Garoowe.
Diyaaradda ayaa la sheegay in markii ay ku dageysay Garoonka ay dhulka ku dhufsatay qeybta hoose iyadoo burbur uu soo gaaray, laakiin waxaa ka badbaaday dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday.
Lama shaacin sababta dhalisay shilka diyaaradda, waxaana laga dejiyey dadkii la socday iyadoo la qiimeynayo qasaaraha gaaray.
