Diyaarad nooca Sukhoi25 oo uu Ruushku leeyahay ayaa waxaa lagu soo riday meel u dhaw magaalada Idlib ee waqooyiga Suuriya ee ay fallaagadu gacanta ku hayso, wararka ayaa sidaasi sheegaya.
Duuliyaha diyaaraddaasi ayaa la sheegay inuu ka booday ka hor inta aanay burburin kaddibna gacanta ayaa lagu dhigay, waxaa sidaasi sheegtay hay’adda la socota xuquuqda aadanaha ee Suuriya.
Muuqaal la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa u muuqdo inuu muujinayo in diyaaradda uu gantaal ku dhacay, halka muuqaal kale uu muujinayo haraaga diyaaradda oo dhulka ku gubanaya, garabkana ay xiddig casaan ah uga dheggan tahay.
Ruushka ayaa waxa uu ka garab dagaalamayay ciidammada Suuriya ee ay xulafada yihiin iyagoo beegsanayay deegaanada ay fallaagadu gacanta ku hayso.
Waxaanay weli kala caddeyn halka uu ku dambeeyo duuliyaha diyaaradda, iyo weliba kooxda gantaalka la heshay diyaaradda ama isagaba qabsatay.
Ururrada mayalka adage e fallaagada ee uu ka midka yahay ururka Xayaat Taxriir al-Shaam ayaa ku xooggan gobolkaasi waqooyi galbeed ee Suuriya.