Waxaa garoonka magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad Milateri oo ay leeyihiin ciidamada cirka Dalka Qatar oo siday gargaar dawo iyo dhaqaatiir usoo gurmaday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho.
Diyaaradaha iyo xubnihii la socday waxaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka xukuumadda Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamsa iyo mas’uuliyiin kale; waxaana diyaaradda loogu talogalay iyo tiro dhaawacyo ah u qaado dalka Qatar si loogu soo daweeyo.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay qaaday 22 qof oo dhaawac ah, kuwaasoo ka mid ahaa dhaawacyadii cuslaa ee qaraxii Ex. Kontrol Afgooye, kuwaasoo lagu daweyn doono isbitaallo ku yaallada caasimadda Qatar ee Doha.