Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaarad rakaab siday ay shil ku gashay Garoonka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Skyward Express ayaa ka baxday Garoonka, waxaana soo gaaray burbur xilligii ay ku degeysay garoonka, iyadoo la sheegay inay ka timid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Cilad qabsatay diyaaradaan ayaa waxaa dhaliyey cilad farsamo oo ku timid, iyadoo ku sii jeeday Gobolka Mandheera. Waxayna diyaaradda oo sidatay nambarka 5Y-GRS DAC Aviation International De Havilland Canada DHC-8-100 ay ku degtay garoonka aan la isticmaalin ee Ceelwaaq, gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Diyaaradda ayaa ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson, Nairobi, waxayna ku sii jeeday magaalada Mandheera subaxnimadii Arbacada markii ay xaaladau qabsatay, Waxaana saarnaa ugu yaraan 35 rakaab ah.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababta ay diyaaradda u soo dhacday. “Dhacdadu waxay dhacday saaka. Waxaa saarnaa 37 rakaab ah oo kusii jeeday Ceelwaaq waxayna ku degeen garoon khaldan. Qofna kuma dhaawacmin, ” ayuu yiri Mr. Kibe.


