Shirkada Diyaaradaha Turkish Airlines ee ah tan kaliya ee heer caalami oo ka howlgasha Garoonka Aden Cadde ayaa maanta dib uga laabtay Garoonkaasi.
Laba diyaaradood oo Turkish Airlines ay leedahay ayaa maanta ku degi waayay garoonka Muqdisho, taasoo saraakiisha waaxda socdaalka garoonka ay ku sheegeen dabeylo ka jira garoonka Muqdisho.
Arrintan ayaa soo dhowr jeer soo laab-laabatay waxaana shirkadda iyo maamulka garoonka ay ku micneeyeen in diayaradaha Turkish Airline ku degi karin xad loo dejiyay oo dabeylaha ah, taasoo hore u dhalisay in rakaab fara badan ay ku xayirmaan.
Diyaaradaha waaweyn ee Turkish Airlines iyo diyaaradaha kale ayaan loo ogoleyn inay caasimadda Muqdisho dusheeda maraan arrimo amni ah dartood.
Wadani