Diyaarado dagaal xalay duqeyn ka geystay degaanka Qalbi Shariif ee duleedka magaalada Kismaayo.
Duqeynta oo la sheegay inay geysteen Diyaarado dagaal oo Kenya leedahay ayaa sababtay qasaare iyagoo dilay 4 ruux oo isku qoys ahaa oo saddex ka mida ay ahaayeen caruur da’doodu u dhaxeyso 3 ilaa 12 sano jir.
8 qof oo dhaawac ahaa la geeyay magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu dabiibayo, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in sidoo kale duqeynta lagu laayay xoolo tiradoodu gaareyso 500 oo isugu jira Lo’ Ari iyo Geel.
Lama caddeyn weli cidda leh diyaaradaha geystay duqeynta, mana jirto wax war ah oo ay kasoo saareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.