Dowladda Sacuudiga ayaa shaacisay in diyaaradaha is-wada ee Drone-ka oo waxyaabo qarxa ay ku rarran yihiin ay weerar ku qaadeen laba xarun oo shidaalka lagu sifeeyo iyo dhuumo shidaal gudaha Sacuudiga.
Wasiirka Shidaalka Sacuudiga Khaalid C/casiis ayaa sheegay in weerarka aanu geysan qasaare weyn, laakiin la joojiyey qulqulka shidaalka labada xarumood ee la beegsaday iyo dhuumaha shidaalka, waxaana weerarkan sheegatay kooxda Xuuthiyiinta Yeman oo caddeysay inuu weerarkan jawaab u yahay dagaalka Sacuudiga ku hayo dalka Yeman muddo 4 sanadood ah.
Sacuudiga ayaa sheegay in la beegsaday laba xarun oo shidaalka geeya dhuumaha Bariga Sacuudiga oo shidaalka ka qaada Gobolka Bariga Sacuudiga ee geeya Dekadda Yunbuc, waxaana dab ka kacay xarunta Lambar 8, kaasoo la damiyey sida ay sheegeen saraakiisha Sacuudiga.
Weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka ayaa yimid iyadoo xiisad colaadeed ka taagan tahay Khaliijka, taasoo u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka, ayna qeyb ka yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana hore weerarro loogu qaaday maraakiib ay Sacuudiga iyo Imaaraadka leeyihiin oo ku sugan Biyaha Imaaraadka Carabta.