Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabaab oo mudooyinkii ugu danbeeyay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.
Diyaarado loo maleynayo inuu leeyahay Mareykanka ayaa cirka ka duqeeyay deegaanka Cameyra ee degmada Isku-shuban, sida ay sheegeen dadka degaankaasi maanta Duhurtii kadib salaadii Jimcaha kadib ay maqlayeen ilaa shan qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey degaanka Ceelka Shidi ee Cameyra ee u dhow tuuladaasi.
Duqeyn kale oo 14-kii bishan April ka dhacday agagaarka tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban ayaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Daacish ninka lagu magacaabi jiray C/xakiin Dhuqub, sida uu shaaciyeymaamulka Puntland.