Howlgal hawada looga buufinayo Ayaxa ayaa ka bilaabanaya Soomaaliya, kaasoo ay iska kaashanayaan Hay’adda FAO iyo dowladda Soomaaliya.
Laba diyaaradood oo nooca yaryar ee Helikobtarka ah ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho, iyagoo ka howlgeli doona Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo ay dhinaca hawada ka buufin doonaan Ayaxa faraha ba’an ku haya degaanadaasi.
Mashruucan oo ay fulineyso Hay’adda cuntada iyo beeraha Q/Midoobay ee FAO waxaa maalgelinaya Hay’adda USAID ee Mareykanka oo bixisay kharasha diyaaradaha lagu soo kireeyay.
Xaflad ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay laba diyaaradood oo loo adeegsan doono buufinta Ayaxa.

