Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Dood Culus oo ka dhalatay Weriyeyaal booqday Isbitaal Martiini & Agaasimaha oo loogu baaqay inay is karaantiisho

    Dood Culus oo ka dhalatay Weriyeyaal booqday Isbitaal Martiini & Agaasimaha oo loogu baaqay inay is karaantiisho

    April 19, 2020Updated:April 20, 20203 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa dood weyn dhalisay booqasho ay isbitaal Martiini ee loo gaar yeelay la-tacaalidda dadka qaba cudurka Coronavirus galabta ku tageen xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo sawirro kusoo galay halkaasi, iyagoo booqday weriye ka tirsan Warbaahinta dowladda oo halkaasi ku xanuunsanaya.

    Ismaaciil Mukhtaar Oronjo iyo C/casiis Maxamed Guuleed Afrika oo ka wada tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa booqday isbitaalka Martiini, waxaana booqashadaasi suuragelisay gabadha da’ yar ee ku-simaha agaasimaha dhowaan loogu magacaabay isbitaalkaasi Caasha Daa’uud Ibaahim oo iyadiina ay ku wehlisay booqashada.

    Dhaqaatiir iyo dad kala duwan ayaa si weyn u cambaareeyay arrintan oo halisteeda leh, iyadoo wax lala yaabo ku tilmaamay in isbitaal ay ku jiraan dad qaba cudurka Covid 19 loo ogolaado inay booqdaan dad caadi ah, waxayna ka hadleen aqoon darrada weyn aan cudurkan ka jirta gudaha Soomaaliya.

    Dadka booqday weriye Maxamed National ayaa ku dooday in weriyaha aan laga helin cudurka, sidaasoo ay tahayna loo geliyay qalab, isla markaana la buufiyay.,!. laakiin waxay Jawaabtu tahay inaysan suuragal ahayn in qof maanta calaamadihii lagu arkay isla markii laga helo cudurka, iyadoo baaritaanku u baahan yahay 24 saac, marka laga qaado kadib.

    Qaar ka mida dhaqaatiirta ayaa ka digay in Isbitaal Martiini uu noqon doono goob uu ka faafo cudurka Coronavirus marba haddii ay arrintan maanta ka dhacday, waxayna dadka arrintan ka dooday ku baaqeen in la karaantiilo agaasimaha iyo labada weriye ee falkan ku kacay.

    Falkan wuxuu banaanka soo dhigay in Isbitaal Martiini u baahan yahay qof khibrad leh oo maamula howlihiisa, maadaama cudurrada faafa, kuwooda saf-mareenka ah ay u baahan yihii khibrad lagula tacaalo.

    AGAASIMAHA KMG AH EE DHOWAAN LOO MAGACAABAY ISBITAAL MARTIINI

    Dhaqaatiir kale ayaa ka deyriyay qalabka uu xirnaa shaqaalihii caafimaad ee la tacaalayey Weriyaha Bukaanka ah, kaasoo aan ahayn Qalab si buuxda cudurka uga difaaci kara qofkaasi ka mida shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la ogyahay in qalab fara badan oo dhaqaatiirtu xirtaan (PPE) ay dowladdu ku heshay deeq.

    Doodda culus ee hareysay Baraha bulshada ayaa keentay inuu Weriye C/casiis Afrika aqbalo inuu is karaantiilo muddo laba toddobaad ah, wuxuuna yiri: “Waxaanan aqbalay inaan iskarantiilo. Waxaan ku dardaarmayaa inaan la igu daysan..”


    What a disaster.., what kind of doctors are working this hospital. It seems they dont have any idea about #COVID19 Vistors. . Ya Allah ya Allah – Sainab Mussa

    De Martini hospital soon will be the next hotspot for the spread of covid19 ! Visits should be restricted – Dr. Yahye Shoole

    We are weeks into fighting Covid-19. It is now clear that the lack of personal protective equipment (PPE) for frontline workers has become a crisis within a crisis…. #Key workers and our patients deserve better. – Dr. Ikram Adam


    Corona Virus Isbitaal Martiini Top Weriye Afrika Weriye C/casiis Afrika
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Madaafiic lagu weerarray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho & Alshabaab oo War kasoo saartay
    Next Article Wasaaradda Caafimaadka: Tirada Guud ee Dadka Qaba Coronavirus ee Somaliya waxay gaartay 164

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo