Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 8
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dood iyo Qaraaxo ka dhalatay Wasiir Qaabilsan Baraha Bulshada oo lagu daray dowladda Zimbabwe

    Dood iyo Qaraaxo ka dhalatay Wasiir Qaabilsan Baraha Bulshada oo lagu daray dowladda Zimbabwe

    October 24, 2017Updated:October 24, 20174 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ogaysiis ay soo saartay xukuumadda ayaa qabsaday baraha bulshada isla markii uu madaxweyne Robert Mugabe sameeyey wasaarad mas’uul ka ah amniga internetka, wax ka ogaanshaha khataraha, iyo wax ka qabashadooda.

    Dadka reer Zimbabwe waxay warqadda magacaabidda kaga jawaabeen si jeesjees ah.

    Qoraal amar ah oo wasiirku soo saaray
    Qoraal amar ah oo wasiirku soo saaray

    Laakinse wakhtigaas ka dib kaftankii wuu yaraaday, dadka reer Zimbabwena waxay iminka ka baaraan degayaan waxa ay wasaaradda cusub ula jeeddo xorriyaddooda rayid ahaan ay leeyihiin, gaar ahaan xorriyatul qowlka.

    ‘Khatar qaran’

    Xukuumadda Zimbabwe lama dhacsanayn baraha bulshada, ka dib markii baadari la yiraahdo Evan Mwararire uu horseed ka noqday dhaqdhaqaaq la magac baxay #ThisFlag sannadkii hore.

    Iyagoo isticmaalaya baraha Twitter iyo Facebook ayey abaabuleen mudaaharaad guri-joogid ah, kaasoo ahaa kii ugu ballaarnaa ee muddo 10 sano ah dhaca.

    Afhayeenka madaxweyne Mugabe, George Charamba, wuxuu sheegay in Mr Mugabe uu la yimid fikradda ah in la sameeyo wasaarad la tacaamusha “khataraha soo baxaya ee liddiga ku ah dalka”.

    16kii sano ee u dambeeyey isticmaalka internetka ayaa sare u kacay min 0.3% ilaa 46%, xogtaas oo laga helay hay’adda isgaarsiinta caalamiga ah (ITU).

    Dhowr maxaddad TV iyo wargaysyo internetka laga daalacdo oo qaarkood dalka dibaddiisa laga soo saaro ayaa internetka isticmaala si ay u baahiyaan warar aysan dawladdu aamusin karin.

    Mudaaharaadayaasha #ThisFlag oo curyaamiyey hawlihii caasimadda Harare sannadkii hore
    Mudaaharaadayaasha #ThisFlag oo curyaamiyey hawlihii caasimadda Harare sannadkii hore

    Markii kaalimaha shidaalka uu shidaalkii ka dhamaaday bishii hore, ayaa waxaa la arkay safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada waaweyn, ayadoo dadku ay cunno kaydsi billaabeen, cabsi laga qabo in cunnadu yaraato.

    Walaacaas oo jira ayey xukuumaddu ku eedeysay farriimaha baraha bulshada inay cabsida sii badiyeen.

    Wasiirka cusub ee amniga internetka, Mr Chimanasa, ayaa taas isna qaba oo leh “sababtu waa baraha bulshada”.

    Fikradaha

    Dadka qaar waxay leeyihiin mowqifka xukuumaddu wuxuu khatar ku yahay xorriyaddooda.

    Mid ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda war isgaarsiinta oo la yiraahdo Media Institute for Southern Africa (Misa) xafiiskiisa Zimbabwe ayaa sheegay in sida gaarka ah ee iminka isha loogu hayo baraha bulshada ay ka soo horjeeddo dastuurka iyo xorriyatul qowlka.

    “Khatarahan nasiib darrada ah waxay dhaliyeen in shakhsiyaad ay faafreeb ku sameeyaan mowduucyada qaarkood ee saamaynaya dalka” ayaa lagu sheegay hadal qoraal ah.

    Waxaa kaloo la dhaliilay faafreebka lagu sameeyo warbaahinta Zimbabwe.

    Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Zmbabwe ee MDC ayaa isagu talaabo intaa dhaafsiisan ku sheegay in wasaaradda cusub ee dawladdu samaysay uu micnaheedu yahay in xukuumaddu ay basaasayso dadkeeda.

    Hogaamiyaha xisbiga, Morgan Tsvangirai, ayaa rumaysan in wasaaradda loo abuuray inay cabburiso xorriyadda hadalka, ayadoo la isu diyaarinayo doorashada 2018.

    Dadka qaar waxay qabaan in jeesjeeska uu muujinayo in aan faham laga qabin khatarta dunida ka haysata dambiyada lagu galo Internetka.

    Qaar kale ayaa waxaa u muuqda in ay isku xiran yihiin isha ay xukuumaddu ku hayso dhaqdhaqaaqa Internetka iyo doorashooyinka soo socda

     

    Horeba Zimbabwe waxaa uga jiray dhowr sharci oo kooxaha xuquuqaha u dooda ay sheeggayeen inay wax cabburinayaan.

    Qareen xuquuqda aadanaha u dooda oo reer Zimbabwe ah ayaa sheegaya in tan iyo 2010 uu caawiyey in ka badan 100 qof oo loo xiray inay ku xadgubeen sharci lagu mutaysan karo ciqaab xarig ah kaasoo ah “aflagaaddo madaxweyne” iyo “is-hortaag awoodiisa”.

    Dad caadi ah ayaa la xiray, ka dib markii ay hogaamiyaha 93 jirka ah ugu yeereen “dameer”, ayna ku eedeeyeen inuu dalka burburinayo.

    Xarig dheeraad ah miyaa soo socda?

    Dunida waxaa ka jira dalal leh waaxyo qaabilsan dambiyada internetka lagu galo, laakinse Zimbabwe waa dalkii ugu horreeyey ee wasaarad dhan u sameeya.

    Sidaasoo ay tahay, baraha bulshada waxaa dhex wareegaya digniino khatar xambaarsan.

    Mid ka mid ah waxay ka timid “Mr Chaipa” oo weydiisanaya dadka reer Zimbabwe in kaliya ay baraha bulshada ku wadaagaan macluumaad ay maxkamadda dhexdeeda ka difaaci karaan haddii lagu qabsado.

    Mr Chaipa wuxuu sheegay in xukuumadda ay u sahlan tahay inay isha ku hayso farriimaha la isu diro.

    Baraha bulshada Caalamka Wasiir Zimbabwe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAAHFAAHIN: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso [Sawirro]
    Next Article Maxaa keenay inuu xilkii safiirnimo ka tago C/raxmaan Ceynte..? [Dhaqaale la’aan mise Khilaaf siyaasadeed]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo