Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada isu soo bax weyn oo la sheegay in lagu xusayo guushii madaxweyne Farmaajo ka gaaray doorashada iyo 100-ka maalmood ee uu xafiiska fadhiyay.
Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in dadweyne fara badan oo kumanaan ah la isugu keeno garoonka ciyaaraha Stadio Konis ee Muqdisho, halkaasoo uu khudbad ka jeediyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xukuumada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku howlan arrintan oo ku soo beegantay bisha Ramadaan, isla markaana saraakiisha ammaanka ay ka digeen in bannaanbax dad badan ka qeybgalaan aanu munaasib ahayn.
Taageerayaasha madaxweynaha oo ku adkeystay arrintan ayaa culeys kasoo wajahay hay’adaha ammaanka, waxaana weli socda dood kusaabsan qaabka loogu dabaaldegayo munaasabadda 100-ka maalmood ee madaxweyne Farmaajo.
Wadani