Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, kana howlgasha Dekadda weyn ee Muqdisho ayaa bishii lacag ku dhow $150,000 ka hesha Dekadda Muqdisho.
Shirkadan ayaanay jirin wax adeeg ah oo ay u qabato dekadda iyo Ganacsatada adeegsata, waana magac u yaal dhex degan Konteenar ay kireysatay oo dhex yaalla Dekadda.
Shirkadda PGM ayaa konteenar kasta oo kasoo dega Dekadda Muqdisho ka qaadata lacag dhan 30 ilaa 50 Doolar, iyadoo aanay aanay heysan qalab ay ku howlgasho oo lagu hubiyo tayada Badeecooyinka.
Mugdi badan ayaa ku wareegsan shirkaddan oo ah mid soo taagan xilli waliba oo laba dowlad ay iska dhaxleen iyadoo ku shaqeysata musuq, kuna dhaqmin heshiiska ay la gashay dowladda Federaalka.
Waxaa lagu magacaabaa PGM (Project Inspection Engineering), waa shirkad hubisa tayada badeecadaha, waxaana markii ugu horeysay heshiis la galay wasiirkii Ganacsiga xukuumadii hore C/raxmaan Cabdi Cusmaan may 2014 [Akhri Warka].
Heshiiskaas ayaa la joojiyay kadib markii fadeexad ay hareysay oo lagu eedeeyay wasiirka inuu lacag 300,00 doolar ah ka qaatay shirkadda PGM ayaa hadda shirkadani howsheeda iska wadatay.
Shirkadan oo sheegatay inay ka shaqeyso 40 dal ayaa baaritaan ay sameysay Wadani.com lagu ogaaday inaysan jirin arrintaasi iyadoo website-keeda waqti dhow la sameeyay ay ka muuqdaan oo kaliya dalalka Algeria iyo Russia oo aan wax dhaqdhaqaaq ah ka jirin [Akhri Qormada]
Shirkadda ayaa balanqaaday inay keento Qalab lagu hubiyo tayada badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho, taasoo aan marna dhicin mudo sanad ah oo mar kata muddo kordhin loo sameeyo, waxayna magaceeda kaliya ay lacag ku qaadataa lacago fara badan.
Qiime ay u goysay in Konteenar kasta ay ay ka qaadato oo ahaa $70 ayaa ganacsatada qeylo dhaan uga kentay, waxaana ay iminka Konteenar kasta ka qaadaa $30 ama $50 hadba dhererka Konteenarka.
Waxaa dhacay waqti ay qabsatay shirkadda inay ku keento dalka Qalabkii ay ku howlgeli lahayd, iyadoo isbedel uu ku dhacay hoggaanka dalka, waxaase la yaab ahayd in shirkaddan la siiyay muddo kordhin ku saabsan inay qalab la’aan sii shaqeyso, taasoo uu ku dhaqaaqday madaxtooyada Soomaliya oo iyadoo uu xilka hayo muddo kooban madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ay dhacday in muddo kordhin loo sameeyo.
Qoraal ay heshay Wadani.com ayaa muujiyay agaasimihii madaxtooyada xilligaasi Cali Saciid Faqi uu muddo saddex bilood ah u kordhiyay shaqada shirkadda PGM. [Akhri Qoraalka]
KASHIFAAD: Madaxtooyada Soomaaliya oo heshiis u kordhisay Shirkad Turki ah..! [Akhri Dokumentiga]
KASHIFAAD: Heshiis Somaliya la gashay shirkad Turki ah oo la joojiyay & Wasiir xilkiisa ku waayay
Wasaaradda Ganacsiga oo soo saartay farriin muhiim ah oo ku socota Ganacsatada Soomaaliyeed
U GAARA GOOBJOOGE