Dood xoog leh ayaa ka taagan baraha bulshada kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xarunta Xalane u tegay sidii uu Aqoonsiga danjirenimo uga guddoomi lahaa safiirka cusub ee Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta dhismaha Mareykanka ee Xalane ku qaabilay safiirka Mareykanka Donald Yukio Yamamoto ayaa qaabilay madaxweynaha Soomaaliy, waxaana uu gudbiyey waraaqihiisa aqoonsiga, halkaasoo uu kaga guddoomay aqoonsigiisa.
Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa si weyn arrintan uga hadlay, iyagoo ku tilmaamay bah-dil iyo maqaam liita oo madaxweynihii ugu sareeyay dalka uu ku kacay, isagoo dhisme yar oo ku dhex yaalla xarunta Xalane aqoonsi uga guddoomo Safiirka Mareykanka.
Dadka qaarkiis ayaa arrintan u arkay inay tahay tariikh madow iyo bahdil Mareykanku ku sameeyay Soomaaliya, iyadoo uu aqbalay madaxweyne Farmaajo oo doorashada ku soo galay wadaniyad iyo qab Soomalinimo.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa caadiyan loo ogoleyn inay dhaafaan xeyndaabka Garoonka Muqdisho arrimo amni dartood, waxaana madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay hore garoonka Muqdisho ugu qaabileen madax ka socotay Mareykanka.