Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta yeelatay Fadhigii koowaad ee kiiska eedeysane Sayid Cali Macallin oo Maxkamadda Gobolka ku heshay inuu si ula kac ah u gubay xasiiskiisa Luul C/casiis, kuna xukuntay Dil toogasho ah.
Eedeysanaha oo Maxkamadda la hor keenay ayaa sheegay in xukunka ay ku riday Maxkamadda Gobolka Banaadir uu yahay mid gardarro ah oo laga dhigay qof xaaskiisa iyo caruurtiisa dilay, wuxuuna ku dooday inuu denbigaasi gelin, isagana uu dhaawac soo gaaray.
Qareenka u doodaya eedeysanaha ayaa Maxkamada Rafcaanka ka hor jeediyay qodobadda ay ku dhisaan Rafcaankooda, wuxuuna duray xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, isagoo soo bandhigay qoddobada doodiisa iyo sida xukunka dhacay u khilaafsan yahay Diinta islaamka iyo sharciga.
Xeer ilaalinta guud ayaa dhinaceeda difaacday xukunka Maxkamadda Sare, waxayna ka jawaabay dhamaan doodihii uu soo bandhigay Qareenka eedeysanahana, kana codsaday in sidiisa loo qaato xukunka dilka ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo soo gabagabeeyay fadhigii maanta ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan ka gaarsi doonto Rafcaanka uu qaatay eedeysane Sayid Cali Macallin, dibna kasoo sheegi doonto.




