Waxaa maanta magaalada Baydhaba ka dhaceysa Doorashada 3 kursi oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahaa kuwii ugu danbeeyay 8 kursi oo laga soo doorto Maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashada maanta waxay saameyn ku yeelaneysaa laba wasiir oo ka mida xukuumadda Federaalka oo midkood la filayo inuu kusoo baxo, halka Wasiirka kale ay ku weyneyso kursigeeda Golaha Shacabka oo ay ku fadhisay baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisii dhammaaday.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen) ayaa saddexda kursi u soo sharxay lix musharax oo uu ka mid yahay Wasiirka sii haya xilka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji iyo Nin la dhashay Wasiirka haweenka Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Lixda Musharax ee Maanta ku tartamaya Saddexda Kursi ee Doorashadooda Aqalka Sare waxay magacyadooda ay kala yihiin:
1- Xasan Xuseen Xaaji (Waa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xilgaarsiinta)
iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal
Cabdiqadir Cabdi Axmed
3- Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
Cabdullaahi Roobow Maxamed
Waxaa lagu wadaa inay si sahlan kusoo baxaan Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji iyo C/weli Maxamed Ibraahim Xaabsade oo meesha ka saaraya rajadii ay Walaashiis Wasiirad Xaniifa ka qabtay inay mar kale noqoto xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirad Xaniifa ayaa wajahday culeys uga yimid Qoyskeeda oo ka hor yimid, waxaana madaxweynaha K/Galbeed uu taageerayaa C/weli Xaabsade inuu kursigan kusoo baxo, taasoo soo gabagabeyneysa doorkii siyaasadeed ee Wasiiradda.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen ayaa taageero ka helaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo uu sidoo kale kursiga ku qoray Madaxweynaha K/Galbeed oo noqday madaxweynaha maamul Goboleedyada ee soo saara taagerayaasha Farmaajo.
Doorashada Senatoorada Aqalka Sare ayaa 2021 isu bedeshay magacaabis la sii ogyahay cidda kusoo baxeysa kuraasta, kadib markii madaxda maamul Goboleedyada ay u xireen siyaasiyiin ay wataan, kana reebeen musharixiintii tartanka Doorashada geli lahaa.
