Waxaa hadda xilligan oo ku beegan 9:50 daqiiqo Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka bilowday Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Doorashada oo lagu waday inay bilaabato 10:00 Subanximo ee maanta ayaa soo gaartay xilli danbe oo habeen ah, kadib markii ay caqabado loo dhigay kulanka oo ciidamo ay hor istaageen kulanka, kadibna doodd ka dhalatay xildhibannada Gobolka Gedo.
Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in doorashada ay bilaabaneyso hadda iyadoo 7mushrax oo u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa tartanka ka haray Guddoomihyihii hore ee Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh.
Xildhibaannada Gedo ayaa arrintooda lagu xakliyey inaysan codeyneynin, waxaa kaloo aan codeynin agaasimihii hore ee NIS Yaasiin farey oo cawa la dhaariyey.

