Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta looga dareeray cod bixin lagu soo dooranayo Madaxweyne cusub oo dalkaasi yeesho, inkastoo dad badan aaminsan yihiin in doorashadani tahay mid uu sahal ugu guuleysan doono Ninka talada haya Ismaaciil Cumar Geelle oo ay la tartamayaan 6 murashax oo kale.
Dadweynaha Jabuuti ayaa codkooda dhiibanaya, waxayna tani noqoneysaa markii afraad ee talada dalka uu sii hayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo 20-kii sano ee ugu dambeysayba ahaa hogaamiyaha dalka yar ee Geeska Afrika ku yaala.
Xisbiyada Mucaaradka oo ahaa kuwo tabar ahaan liita, isla markaana kala qeybsan ayaa qaadacay doorashada, kuna tilmaamay mid ka baxsan cadaalad iyo dimoqraadiyad oo aan si xor ah u qabsoomi karin. Waxaa is-diiwaangeliyey in ka badan 250,000 oo qof si ay codadkooda u dhiibtaan, waxaana Jabuuti ku sugan goobjoogayaal caalami ah.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa loo arkaa nin dooran oo haddana la dooranayo si loogu sharciyeeyo xilka, waxaana horeba loo bedelay dastuurka Jabuuti si loogu ogolaado inuu in ka badan saddex jeer xilka u tartami karo.
Wadani.com