Doorashada senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka ka bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele.
8 kursi oo ka mida Aqalka Sare oo qoonde ahaan u soo gaaray dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa waxaa u tartamayay ilaa in ka yar 20 musharax, kadib markii ay dhowr musharax ka baxeen tartanka.
Doorashada oo xilligan socota ayaa kursigii ugu horeeyay waxaa ku loolamaya labada musharax ee Cismaan Axmed Macow iyo Cabdi Nuur Ibraahin Fareey.
Kursigan ayaa ah mid si weyn loogu tartamayo oo labada musharaxba ay doonayaan inay ku guuleystaan iyadoo balanqaadyo u sameeyay xildhibaanada.
Wadani.com