Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Doorashadii Gudoomiyuhu waxay jiho cusub u kaxayanaysaa Siyaasada dalka [MAQAAL]

    Doorashadii Gudoomiyuhu waxay jiho cusub u kaxayanaysaa Siyaasada dalka [MAQAAL]

    May 1, 20185 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Laga soo bilaabo dowladii Madaxweyne Cabdiqaasim ee la soo dhisay sadnkii 2000 waxaa mar walba jiray khilaaf u dhaxeeya Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxweynaha, kuwaas sababi jiray in ay fadhiid noqdaan hay’adaha dowladda, waxaana laga dhaxli jiray khilaaf iyo kala qoqob soo kala dhex gala xildhibaanada iyo siyaasiyiinta markaa xilka haya, taas oo aakhirka sabab u noqon jirtay in Ra’iisul Wasaare la cayriyo, gudoomiye baarlamaan la isugu tago, madaxweyne culays siyaasadeed isku casilo.

    Dhaqanka soo jireenka ah oo ragaadiyey habsami u socodka nidaamyadii curdanka ahaa ee dalka soo maray waxaa sabab u ahaa nidaamka 4.5, ka, shaqaynta dano dalal shisheeye, mucaaradida cida talada haysa, ku takri fal awoodeed, kursi jeceyl, dano dhaqaale, is fahamwaa ku salaysan jihada siyaasada ee dalku ku socdo iyo dastuurka dalka oo qoloba dhanka danteedu ku jirto u fasirato. Dhamaan arimhaan oo is biirsaday waxay dib u dhac u keeneen nidaamka dowliga ah ee markaas jira,

    Dowladii Cabdullahi Yusuf AUN waxaa hareeyey khilaaf siyasaadeed wax yar ka dib doorashadii, iyadoona dalka soo caga dhigan ayaa waxaa is maan dhaafay gudoonkii baarlamaanka Shariif Xasan iyo Madaxweyne Cabdullahi, taas oo sababtay in gacan ka hadal ka dhex bilowda xildhibaanada iyo kala qaybsanaan sababtay in loo kala guuro magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaa arinkaas ka dhashay in kooxdii aaday Muqdisho oo ay horboodayeen qab qablayaashii dagaalka ay ku ururaan hoteelada muqdisho halka kooxdii tagtay Jowhar ay heleen amni fiican lakiin ay soo wajahday dhaqaalo xumo baahsan.

    Cabduulahi Yusuf iyo Shariif Xasan oo labaduba culaysyo balaaran ay ka soo wajaheen Jowhar iyo Muqdisho ayaa dan u arkay inay wada hadlaan waxaana ugu danbayntii lagu heshiisiyey dalka Yeman, labadii garab ee dowladdana waxaa la isugu geeyey magaalada Baydhabo si dib loogu mideeyo, waxaan markaas kadib xildhibaanada dib u bilaabeen kulamadoodii caadiga ahaa, balse khilaafkii intaas kuma ekaan ee mudo yar ka dib waxaa moshin laga keenay Ra’iisul Wasaare Geedi, waxaa isna Badhabo ka cararay Gudoomiye Shariif oo ku biiray midowgii maxkamadaha. Khilaaf marba waji yeelanayey oo soo wajahay dowladii Cabdullahi Yuusuf ayaa ugu danabyntii sabab u noqday inuu xilka iska Casilo Madaxweyne Cabdullahi.

    Dowladi Sheikh Shariif ee la soo dhisay 2009-ka horaanteedii waxay sii waday dhaxalkii ay ka heshay dowladii Cabdullahi Yusuf waxaan mudo ka dib lugaha la gashay is qab qabsi siyaasadeed oo saameeyey xubno badan oo golaha Wasiirada ka tirsan, waxaana ku sii xigay inuu isna meesha ka baxo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid. Waxaan isna ku waarin xilkuu hayey Gudoomiyihii Baarlamanka ee xiligaas jiray Sheikh Adan Madoobe, waxaana kurisgiisa si fudud ugu soo booday Shariif Xassan oo ahaa xilgaas kooxdii geed fadhiga u ahayd dowladii Sheikh Shariif. Khilafkii sii socday waxaa laga dhaxlay in Madaxweynaha hada xilka haya Farmaajo loo magacaabo Ra’iisul Wasaare, balse shaqo fiican oo lagu diirsaday markuu qabtay waxaa mudo yar gudaheed loo soo jeedshay inuu is casaliso shirkii Kampala ka dhacay ka dib.

    Mudadii yarayd ee u dhimanayd Dowladii Sheikh Shariif Madaxweynaha ka ahaa waxaa dalka loo sameeyey khariirad lagu socdo (Road Map) waxaana fadhiid laga dhigay xildhibanadii u soo taagnaa Moshinka, taas oo sababtay in mudo yar gudaheed lagu qabto shaqo fiican oo u horseeday dalka in laga saaro nidaamkii KMG ahaa, loona sameeyo Dastuur ergo 800 ah u codaysay. Shaki kuma jiro in Xukuumadii Cabdiwali Gaas ay ku bad-baaday Road Map, maxaa yeelay awoodii oo dhan waxaa lagala wareegay Baarlamaanka oo xiligaas ahaa 550 xildhibaan.

    Dowladii ku xigtay ee Madaxweyne Xassan Sheikh kuma cibra qaadan siyaasadii soo wiiqday dowladihii ka horeeyey, balse mudo yar ka dib wuxuu cagta saaray mowjadihii moshinka, wuxuuna isku badalay sadex Ra’iisul Wasaare, waxaase dad badan oo siyaasada u dhuun daloolo aaminsanayeen in hadii Xasan Sheikh shaqadiisa faraha uga qaadi lahaa Ra’iisul Wasaare Saacid Shirdoon in wax badan dalka ka qabsoomi lahaa. Culaysyadii ka dhashay moshinada ayaa Xasan Sheikh wuxuu go’aansaday in mudada u dhimanayd in Barlamaanka la curyaamiyo lana sameeyo madal ay ku midaysan yihiin maamulada gobolada, waxaana fududaatay is jiid jiid badan ka dib in doorasho ka yara duwan tii hore qabsoonto.

    Madaxeyne Maxamed A. Farmaajo oo ka fa’iidaysanaya khaladadkii siyasadeed ee dalka ka soo dhacay ayaa go’aansaday inuu keensado Ra’iisul Wasaare ay wada shaqayn karaan islana dhamaystaan mudada xil haynta. Balse dhaqankii lagu yaqaanay xildhibaanada Baralamaanka ayaa bilowday oo ahaa moshin laga keeno Madaxweyne iyo mid loogu hanjabo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana soo if baxay khilaaf kala dhantaali kara howlaha qaran ee dowladda horyaala, si taas looga hortago ayaa waxaa la saaray culays siyaasadee gudoonkii baarlamaanka kadib markii moshin laga keenay, wuxuuna ku biyo shubtay inuu xilka iska casilo.

    Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Maxamed Mursal ayaa waxaa lagu xaglinayaa inuu taageero fiican ka haystay xukuumadda, waxaana arinkaan dhabaha u xaaraysaa in maanta dalku yeeshay Xukuumad, Madaxweyne, Gudoon Baarlamaan iyo Hay’ado Garsoor oo wad shaqaynaya isku aragtina ka ah jihada siyaasadeed ee dalkaan loo kaxaynayo. Dadka qaar ayaa dhaliilsan in koox is fahamsan oo talada gacanta ku haysa ay halis badan ka imaan karto. Balse anigu waxaa qabaa fikir ka duwan oo ah in koox is fahamsan kaliya dalkaan u horseedi karto horumar, sababtoo ah ma nihin wadan qaan-gaar ka ah dhanka siyaasadda, marba hadii kuraastii dalka ugu sareeyeysay iyo kuwa ugu hooseeya lagu qaybinayo 4.5.

    Marka aad fiiriso sida caalamku u shaqeeyo waxaa jira xisbiyo siyaasadeed oo marka doorasho la galo mid guulaysto ama la wada dhistaa dowlad wadaag ah, taas macnaheedu waxay tahay in la helo koox isku meel dalka u wada. Tusaale ahaan wadamada aan dariska nahay ee Ethiopia, Kenya, iyo Jabouti intaba waxaa talada haya hal xisibi, kaas oo aqlabiyad weyn kuleh baarlamaanka, wuxuuna u horseeday horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

    Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka waxaan ka rajaynayaa inuu dadajiyo shuruucda muhiimka u ah sal-dhigashada hanaanka dowladnimo oo ay ka mid yihiin 15 sharci oo ay dowladdan soo gudbisay mudadii sanadka ahayd iyo qaar kale oo sanado badan horyaala baarlamaanka, isla markaan uu meesha ka saaro moshinadaan wax dumiska ah ee soo ragaadiyey dowladihii hore.

    QORE: DIRAAC FAGAASE

    Guddoomiye Baarlamaan Maxamed Mursal Siyaasadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Farriin soo diray [Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May]
    Next Article Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan Duulista rayidka Labada Dal

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo